819 Views

Qoor Qoor oo shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare

____________________________________________________________________________

Arbaco: August 11, 2021

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. 

Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharaxiinta laba ka mid ah kuraasta, oo ay ku kala fadhiyaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

Waxa uu Qoor Qoor meesha ka saaray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, hase yeeshee wuxuu liiska kusoo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka.

Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud. 

Waxaa sidoo kale liiska ku jira xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo hadda ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah taageerayaasha Farmaajo, kaasi oo loo soo wareejiyey Aqalka Sare kadib markii beeshiisa ay sheegtay inuusan kursi ka heli doonin. 

LIiska musharaxiinta iyo sida ay isugu aadayaan ayaa kala ah:

1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post