753 Views

Mareykanka “Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsi”

Mareykanka “Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsi”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-13-2020–Dowladda Mareykanka ayaa Shaacisay in ay rajo wanaagsan ka qabto natiijada shirka Dhuusamareeb 3, ee lagu waddo in uu maalmaha soo socda uu ka furmo Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu xusay in baahida loo qabo wadatashiyo iyo isu tanaasul dhab ah oo furo u noqda in is afgarad laga gaaro, nooca doorasho ee raalli la isaga yahay.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan dowladda dhexe , Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka iyo daneeyayaasha siyaasadda in ay taageero u muujiyaan Shirka Magaalada Dhuusamareeb.

“Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsi”ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post