315 Views

Xasan shekh “Iskuul markii meel laga dhiso suuli ayaa loo sameeya oo meel biyo laga cabo ayaa loo sameeya, Dugsi Qur’aanka muxuu intaas oo kale u yaalan karin

Xasan shekh “Iskuul markii meel laga dhiso suuli ayaa loo sameeya oo meel biyo laga cabo ayaa loo sameeya, Dugsi Qur’aanka muxuu intaas oo kale u yaalan karin
____________________________________________________________________________

  Isniin: January 23 2023 

 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga baahanyahay in shacabka ay u sheegaan waxa ay diinta Islaamku ka qabto fikirka iyo dhaqanka Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka culimada Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa markii uu hadalkaan jeedinayay waxaa garab taagnaa wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Xasan Sheekh ayaa culimada ku booriyay in si mideysan loogu bayaaniyo shacabka halka diintu ay ka taagantahay Al-shabaab, maadama diintu ay tahay halka laga toosin karo dadka. Wuxuu intaa ku daray in hadda la isku raacsanyahay in Shabaab ay dhib ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Shirkan culimada ee Muqdisho ka furmay ayaa imaanaya xilli dowladda iyo shacabka deegaannada qaar ay wadaan howgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo soo bilowday qaybihii dambe ee sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu rabo in Diinta ay xil gaar ah iska saarto dowladda, ayna masuuliyadeedu tahay inay ilaaliso oo ay ka hortagto dadka iyo kooxaha raba in ay sida gaarka ah u adeegsadaan.

“Dowladdu markay deegaan qorsheynayso ee Iskuulka u yeelayso ee wax walba u yeelayso, dugsi Qur’aanka iyo Masaajidka aysan u yeelayn. Diinta weli dadkaa iska leh maanta la joogo waa rabna berri Ilaahay hana gaarsiiyo, laakiin dowladdu diinta malahan inay lahaato oo ilaaliso waaye.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ma ahan in wax ka badasho ee waa in ay ilaaliso oo luuq laga soo galin, dowladda masuuliyadeeda u horeysa waa taas.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post