3045 Views

Taliyaha Ciidamada Xooga Oo Booqaday Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Xooga Oo Booqaday  Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa maanta booqday Saldhiga Dowladda Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo Ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Intaas ka dib C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka.

Waxa uu ku dhiira galiyay ciidamada inay yihiin Madaxda Mustaqbalka lagana doonayo inay si wadaniyad iyo dal jaceyl ku jirto wax u bartaan si ay dalka u hoggaamiyaan.

Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowladda Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowladda Turkiga ugu amaanay doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, oo guud ahaan la doonayo inay la wareegaan amniga dalka.

bbbbb dggdg fff

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment