1014 Views

Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland oo shir ka yeeshay xaaladda Ammaanka

Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland oo  shir ka yeeshay xaaladda Ammaanka
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Guddiga Amniga Gobolka Mudug, ayaa saaka shir ka yeeshay xaaladda Ammaanka Gobolkaas, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir-guddoomiyay kulanka, waxaana ku weheliyay Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamud Cabdinuur, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Muumin Cabdi shire iyo saraakiil kale.

Shirka waxa warbixin looga dhegaystay Laamaha Amniga Gobolka Mudug, waxaana lagu go’aamiyay Adkaynta iyo dardar gelinta Amniga magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Shirkan ayaa ku soo beemay maalmo, kadib markii Gaalkacyo lagu toogtay 18 xubnood oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post