3669 Views

Ciidamo Ruush ah oo lagu badalaayo AMISOM

Ciidamo Ruush ah oo lagu badalaayo AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 25, 2016Cumar Cabdirashiid  Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya, ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay dowladda Somaliya ay diyaarin doonan ciidankii badali lahaa kuwa Midowga Afrika ee Amisom .

Mudane Cumar Cabdirashiid R/wasaaraha Somaliya ayaa safar shaqo ku tagay dalka Ruushka waxaa uuna kala hadlay horumarinta ciidanka xooga dalka Somaliyeed.

Ciidanka Amisom ayaa muddo dheer jooga dalka Somaliya ,waxaana qaar ka mid ah siyaasiinta Somaliyeed ay sheegeen in ay haboon tahy in  la badalo Amisom islamarkaana la dhiso ciidanka xooga dalka Somaliyed.

Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Saraakiisha ciidamada iyo Wasiiro ay tagi doonaan Ruushka si looga sii hadlo arinta ku aadan dib u dhiska ciidanka Xooga Somaliya.

Dowladda Ruushka ayaa dhawaan sheegtay inay Somaliya hub ka iibinayso hadii Qaramada Midoobay Somaliya ay ka qaado xayiraada dhanka hubka ah ee saaran Somaliya.

Si kastaba ha ahaatee, AMISOM ayaa waxad moodaa in shaqadeeda ay ka gaabisay labadi sano ee dambeeysay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment