603 Views

Ruushka oo gaashaanka u daruuray eed uga timid Mareykanka

Ruushka oo gaashaanka u daruuray eed uga timid Mareykanka
____________________________________________________________________________



Sabti: April 30, 2022



Ruushka ayaa ku gacan seydhay eed ay u soo jeedisay dowladda Mareykanka ee la xiriirta duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Washington ayaa madaxweyne Viladmir Putin ku tilmaantay “Damiirlaawe aan Naxariis laheen”.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Mareykanka Anatoly Antonov ayaa gaashaanka ku dhuftay eedda Putin uu u soo jeediyey afhayeenka Pentagon John Kirby’s.

Antonov eedda Kirby uu madaxweynahooda u soo jeediyey wuxuu ku tilmaamay ‘Weerar aan la aqbali karin.”

“Waxaa caado ka noqotay halkan in saraakiisha maamulku ay xukunkooda ku saleeyaan beenta wasakhaysan ee maamulka Ukraine,” ayuu yidhi Mr Antonov.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Mr Kirby “wuxuu lumiyay karaamada sarkaal Mareykan ah, isagoo ku dhaqaaqay aflagaaddo aan geed looga soo gabban”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post