936 Views

Jubbaland oo faahfaahisay Nabaddoon lagu toogtay Kismaayo

Jubbaland oo faahfaahisay Nabaddoon lagu toogtay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14 2019 —Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay Kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Kismaayo ku dhaawacay Mid ka mid ah waxgaradka sidda weyn looga yaqaano degaanada maamulka Jubbaland.

 

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka Jubbaland ay waddaan dadaallo lagu doonaayo in gacanta lagu soo dhigo Kooxihii ka dambeeyay dhaawaca loo geystay Nabadoonka.

 

Waxaa uu sheegay in xaaladdiisa Caafimaad ay hadda wanaagsan tahay , islamarkaana uu ku jiro mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo.

 

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar ayaa  ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland, waxaana uu sidoo kale ka mid ahaa Waxgaradka sidda weyn uga soo horjeediyay Madaxweynaha Jubbaland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment