1230 Views

Madaxweyne Farmaajo Iyo Hoggaamiyeyaal Kale Oo Ka Qeyb Galaya Shir Ka Furmaya Qaahira

Madaxweyne Farmaajo Iyo Hoggaamiyeyaal Kale Oo Ka Qeyb Galaya Shir Ka Furmaya Qaahira
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 23, 2019 –Caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa maanta ka furmi doonaa 2 Shirweyne oo Degdeg ah oo ay Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika kaga wada xaajoon doonaan Xiisadaha haatan ka aloosan dalalka Sudan iyo Libiya.

 

Madaxweynaha dalka Masar, ahna Guddoomiyaha sannaadkan ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Al-sisi ayaa guddoominayo Shirweynahaasi oo ay Madaxda Afrika ku lafa-guri doonaan Aragti Mideysan oo wax looga qaban karo Xaalladaha Suudaan iyo Liibiya, iyadoo la og yahay inay Quwado shisheeye faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalalkaasi.

Madaxda Afrikaanka ee ka qeyb galay shirweynahaasi waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Ururka Midowga Afrika ee AU-da iyo Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Jabuuti, South Africa, Chad, Rwanda, Kongo iyo Saraakiil kale oo ka kala socda dalalka Kenya, Ethiopiam Uganda, Nigeria iyo South Sudan.

 

 

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo haya Xilka Guddoonka urur-gobaleedka IGAD ayaa ka baaqday Shirka Qaahira, waxaana uu soo diray wafdi uu hoggaaminayo Ku-xigenkiisa, Demeke Makonen.

 

Ethiopia iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf dhanka Biyaha ee Webiga Niil, iyadoo  Dowladda Masar cabasho xooggan ka muujisay saaamiga biyaha ee ay ka helaan Webiga Niil, iyadoo  ay Dowladda Ethiopia biyo-xireen weyn ka dhisatay qulqulka Biyaha Webiga Niil.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment