1176 Views

Ciidamadii C/rashiid Janan oo diiday in lagu daro ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamadii C/rashiid  Janan oo  diiday  in lagu daro ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

May 11, 2021

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo waxay sheegayaan in ciidamadii ka barbar dagaalami jiray wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ay diideen in lagu kala daro ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamadaan oo badankood ku sugan magaalada Doolow, isla markaana tiradooda lagu sheegay 400 illaa 500 ayaa shuruudo ku xiray in lagu biiriyo ciidamada dowladda, iyagoo dalbaday in wax laga siiyo maamullada degmooyinka gobolka Gedo.

Waxyaabaha ay dalbadeen waxaa ka mid ah taliyeyaal u badan dhanka Nabad sugidda, guddoomiyaal degmo iyo jagooyin kale.

Waxaa maanta magaalada Doolow ka dhacay kulan looga hadlayey arrintaas, kaas oo u dhaxeeyey saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in Cabdirashiid Janan uu saacadaha soo socda ku wajahanyahay magaalada Doolow si loo xaliyo tabashada ciidamadii ka barbar dagaalami jiray, intii uu duurka ku jiray. 

Cabdirashiid Janan ayaa tan iyo markii uu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya waxa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, balse haatan ayaa la sheegay inuu ku laabanayo gobolka Gedo, si kaalintiisa uu uga qaato xalinta tabashooyinka  ciidamadiisa oo shuruudo ku xiray in lagu biiriyo kuwa dowladda federaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post