360 Views

Laamaha Amniga Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay shabakado ka tirsan Al-shabaab

Laamaha Amniga Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay shabakado ka tirsan Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: June 21, 2022

 Laamaha Amniga Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay saddex shabakadood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ay ku jirto shabakaddii Sakawaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhammaan shabakadahan ayaa dhowaan ka soo muuqan doona maxkamad sida ay sheegeen Laamaha Amniga Gobolka Bari.

Laamaha Amniga ayaa sidoo kale maxkamadda Ciidamada hor-geeyay shabakad ku eedaysan Al-shabaabnimo kuwaas oo lagu wado in maanta ay maxkamaddu bilaawdo dhagaysiga dacwada lagu soo edeeyay.

Maamulka Puntland ayaa kamid ah maamulada sida aadka ah uga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab, iyagoona marar badan soo bandhigay rag ay ku edeeyen in ay ka tirsanyihiin Daacish iyo kooxda Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post