471 Views

Madaxweynaha Somaaliland oo soo saaray baaq ku socda Beesha Caalamka

Madaxweynaha Somaaliland oo soo saaray baaq ku socda Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay looguna talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Baaqa ayaa waxaa uu ku socdaa beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.

Baaaqa oo ku qoran luuqada English-ka aya laga codsaday Caalamka inay siwyen u taageeraan Ganacsatadii ku hanta beeshay Suuqa Waaheen, isla markaana Somaliland ku garb siiyaan.

Suuqan Waaheen ee dhawaan uu dabka ka kacay ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, isla markaana xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qalaad ama ganacsi ee u adeegi jiray guud ahaan Somaliland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post