147 Views

Madaxweyne Geelle oo ku baaqay shir looga hadlo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxweyne Geelle oo ku baaqay shir looga hadlo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

DJibouti — Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha xilligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in madaxda ururkaasi ay iskugu yimaadana shir aan caadi ahayn oo lagu qabto dalka Uganda 18-ka bishan Janaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Jabuuti ayaa lagu sheegtay in shirkaasi looga wada hadli doono xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo weliba colaadda Suudaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, sida ay sheegtay Somaliland, inkasta oo Itoobiya aysan weli xaqiijin arrinta aqoonsiga.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa sheegay in kadib markii uu wadatahsi sameeyey uu madaxwweynaha Uganda Yoweri Musvaeni aqbalay inuu shrikaasi martigeliyo.

Wasaarradda Arrimaha Dibedda ee Jabuuti ayaa ka codsadatay Xoghaynta IGAD inay samayso wadatashiyada lagama maarmaanka ah sidii ay waddamada xubnaha ka ah uga soo qaybgeli lahaayeen shirkaasi muddada iyo goobta la cayimay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post