891 Views

Cumar Filish oo sheegay in la xirayo Goob kasta oo Bishimaha lagu weeyneynayo

Cumar Filish oo sheegay in la xirayo Goob kasta oo Bishimaha lagu weeyneynayo
____________________________________________________________________________

Moqdisho,September 1, 2021 —Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxsmed Filish ayaa sheegay in uu soo dhaweeynayo in Dumarka ay is qurxiyeen, balse aysan aqbaleyn ay sameeyaan wax kasta oo hornimaanaya dhaqanka iyo Diinta intaba.

Isaga oo ka hadlayay Goobo Dumarka Faruuryaha (Bishimaha) loogu weeyneynayo oo laga furay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ay soo gaartay arrintaas, balse markii ay ogaadeen Xarumahaas ay xireen.

Waxaa Guddoomiye Cumar Filish  uu hadalkiisa intaas ku daray in goobaha Ganacsiga markii ruqsada la siinayo aysan si faah faahsan u sheegin waxyaabaha ay qabanayaan, waxaana uu si cad u sheegay inay xiri doonaan Goob kasta oo billowda Shaqadaas oo kale

Hadalka Duqa Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Baraha Bulshada aad loogu hadal haayay in Muqdisho laga furay Goobo Dumarka Faruuryaha loogu weeyneynayo, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay xirtay.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post