1581 Views

Hargaysa oo lagu toogtay Libaax xalay ka baxsaday beer xayawaannada lagu xannaaneeyo oo ku taalla Hargeysa

Hargaysa  oo lagu  toogtay Libaax xalay ka baxsaday beer xayawaannada lagu xannaaneeyo oo ku taalla Hargeysa
____________________________________________________________________________

April 30-2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Soomaaliland ay toogteen  Libaax xalay ka baxsaday beer xayawaannada lagu xannaaneeyo oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Taliska Booliiiska Somaliland ayaa sheegay in saakay aroor hore ay toogteen, kadib markii Xalay uu galay Kaymo aad u wayn oo ku taala duleedka Hargaysa.

Cali Waracadde, oo lahaa  beerta lagu xanaaneynayay libaaxyada ayaa saxaafada  u sheegay in “wiil xanaaneynayay uu albaabka furay si uu u quudiyo, ka dibna ay ku soo boodeen, albaabkana ka bexeen”.

Sida uu xaqiijiyay wiilkaa ayaa dhaawacmay. “Maysan cunin balse way isku tuur-tuureen. mana aysan cidiyeyn. Xoogaa wuu yara burburay.

Sidoo kale Xilli uu da’ayay roob, ayaa Libaaxayadu ka baxsadeen beerta, ka dib waxaa la soo saaray digniinaha loo jeedinayay dadweynaha magaalada Hargeysa oo loogu sheegayay in ay taxadaraan.

Libaaxyada baxasaday oo markii hore ahaa laba, waxaa la qabtay mid ka mid ah ka dib markii shaqaalaha beerta ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post