1014 Views

Ciidamada Maraykanka oo ku qabtay labo doon oo ay saarnaayeen hub faro badan

Ciidamada Maraykanka oo  ku qabtay labo doon oo ay saarnaayeen hub faro badan
____________________________________________________________________________

Feb 17/2/2021

Ciidamada Maraykanka ayaa ku qabtay labo doon oo ay saarnaayeen hub faro badan kuwaasoo aan la ogeyn halka lagu waday.

Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo USS Winston S. Churchill ayaa gacanta ku dhigay labadan doon aan weli la shaacin dalka laga leeyahay.

Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Markabka USS Winston S. Churchill ayaa lagu xusay in doonyahan ay sideen hub kala duwan oo ku wajahnaa Dalka Soomaaliya iyo dadkii watay.

Bayaanka laguma xusin halka ay ka soo shiraacdeen doonyahan iyo cidda ay u sideen hubkii lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Hubka ayaa isugu jiray RPG, BKM iyo AK- 47, iyadoo aan la shaacin goobta lagu qabtay hubkaas,hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in hubkan loo waday dalka Yemen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale weli ka hadlin wararka sheegaya in Ciidanka Mareykanka ee jooga xeebaha dalka ay qabteen hub farabadan oo sharci darro ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post