1710 Views

Talaalka Covid19 oo gaaray Puntland

Talaalka Covid19 oo gaaray Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16da Maarso, 2021Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garowe qeybtii koobaad ee tallaalka COVID-19 kana timid xarunta COVAX, oo ay Gacanweyn ka geysatay Hay’adda GAVI iyadoo dajintiisa ay qeyb weyn ka qaateen hay’adaha UN ta Ee WHO iyo UNICEF.

Wasiirka Wasaaradda  Caafimaadka Puntland , Dr Jamac Farax Xasan oo ay weheliyeen wasiirudawlaha  wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta maalgashiga ayna goob joog ka ahaayeen agaasimaha guud ee wasaaradda iyo qayb kamid ah agaasime waaxeedyada, waxaa sidoo kale joogay wakiilo ka socday  hay’adda UNICEF iyo WHO.

Munaasibada oo ka dhacday garoonka caalamiga ah Gen. Mohamed Abshir ayaa wasiirku hay’addaha WHO Iyo UNICEF kala wareegay talaalka, waxayna wareejinta talaalka kadib ay ka warbixiyeen talaalka inta uu ka koobanyahay iyo dadka la siin doono.

Madaxa caafimaadka Soomaliya hay’adda UNICEF Mr Lion oo wareejinta talaalka ka hadlay ayaa yiri” Anigoo ku hadlaya afka hay’adda UNICEF waxaan maanta ku faraxsanahay inaan wasaaradda caafimaadka Puntland ku wareejiyo qaybtii koowaad ee talaalka Covid19, waxaana rajaynayaa in sida ay tahay looga faa’iidaysan doono”

Siciid Nuuriye oo ka socday hay’adda WHO ayaa isaguna ka hadlay wareejinta talaalka ayaa sheegay “ Waxaan ku faraxsanahay in maanta Puntland uu soo gaaro talaalkan oo waqtigii loogu baahi badnaa soo gaaray Soomaliya waxaana rajaynayaa in wax badan oo ka badali doono halista xanuunka”.

Wasiirka Wasaaradda  Caafimaadka, Dr Jamac Farax Xasan oo ka hadlay ayaa yiri:-“ Farxad weyn ayay noo tahay ka wasiir ahaan iyo ka wasaraadda caafimaadka ahaan maanta inaan la wareegno wajigii koowaad ee talaalka Covid 19 oo dhan 40,000 oo xabo kaas oo aan doonayno inaan ka bilawno Puntland todobaad gudihii, talaalka ayaan hada gayn doonaa qaybta qaboojinta ee wasaaradda waxaana uqaban doonaa kulan daahfur ah xiliga la bilaabayo iyo  dakda ugu horeeya ee la siin doono Insha allah.”

“Wasiirka ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyay hay’addaha UNICEF iyo WHO kaalintooda ay ka qaateen imaatinka talaalkan iyo waliba shirkada soo saartay. Talaalka Puntland maanta la keenay ayaa ka kooban 40,000 dose waxaana loo samayn doonaa xaflada lagu daahfurayo.”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post