318 Views

Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta
____________________________________________________________________________

 

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa kormeerey difaacyada ciidamada gobolka Shabeellaha Dhexe iyo diyaargarowga ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada iyo saraakiisha guulaha kasoo hooyay dagaalka Khawaarijta,islamarkaana habeen iyo maalin u taagan ciribtirka argagixisada si ay nabad ugu seexdaan shacabka.

Kormeerka, Madaxweynaha waxaa ku weheliya madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post