540 Views

Jarmalka oo soo jeediyey in la difaaco Nabadda, xornimada iyo Dimoqraadiyada

Jarmalka oo soo jeediyey in la difaaco Nabadda, xornimada iyo Dimoqraadiyada
____________________________________________________________________________


Axad: May 8, 2022

Wasiirka Arrimaha dibedda ee jarmalka ayaa dadka u soo jeediyey in loo istaago in la difaaco nabadda, xornimada iyo dimoqraadiyada iyadoo dalalka Yurub ay xusayaan sanadguurada markiilaga adkaaday Naasigii Jarmalka dagaalkii labaad ee aduunka

Annalena Baerbock ayaa sheegtay in sanadguurada ay soo xsuusineyso Jarmalka in aanay mar kale aanay ku qaldamin halganka xorriyada iyo biniaadminimada .

Waxaa lafilyaa in ay booqato dalka Ukraine dhowaan .

Madaxweynaha Ukraine Zelensky munaasabadda maalintaasi jeediyey hadal iiro leh oo uu ku sheegay sida uu yiro Sheydaankii ayaa soo laabtay oo yimid Ukraine laakiin Ruushku ma diidi karo mas’uuliyadda rrintaa . Ruushka ayaa maalinta berri ah xusi doona maalinta guusha iyadoo lagu soo bandhigi doono fagaaraha dabaaldegga ciidamada ee Mosko gaada ka ciyaar iyo gaardis ciidan

Hadal ku aaddan munaasabaddaas oo qoraal ahaan u soo saaray ayuu Putinku yiri ‘’ Arrin waajib ah ayey aheyd in Ruushka iyo xulafadiisa ay ka hortagaan dib u soo noolaanshaha Naasiyintakuwaas oo dhib badan u geystay dadka dalal kala duwan’’

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post