1161 Views

Gaari ka soo baxay magaalada Balanballe kuna sii jeeday deegaanka Balli-Dhiig

Gaari ka soo baxay magaalada Balanballe kuna sii jeeday deegaanka Balli-Dhiig
____________________________________________________________________________

Khamiis August 19, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in Baabuurka kasoo baxay magaalada Balanballe, kuna sii jeeday deegaanka Balli-Dhiig oo dhaca dhanka waqooyi ee gobolka Galgaduud Rasaas ooda looga qaaday.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in ay ku dhinteen ku dhawaad 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka mid ahaa dadkii la socday gaarigaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in wadaha gaariga uu isna sameeyey iska caabin, isla-markaana uu dhaawacay qaar ka mid ah maleeshiyaadka wadada u galay.

https://c01d3020713ac5143a56178c45c913fb.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Sidoo kale Meydadka iyo dhaawacyada dadka shacabka ah ayaa dib loogu soo celiyey degmada Balanballe, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post