759 Views

Madaxweynihii hore ee Puntland oo lagu Aasay Garoowe

Madaxweynihii hore ee Puntland oo lagu Aasay Garoowe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 15  2020–Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Xaashi Cabdullaahi,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa ka qeyb galay aas Qaran oo magaalada Garoowe loogu sameeyay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Masuuliyiintaan oo salaadda janaasada ku dukaday marxuumka ayaa Alle uga baryay inuu jannadii firdowsa ka waraabiyo, waxaana intaas kaddib lagu aasay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

llaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa xanuun haayay waxaa uu 12-kii Bishaan ugu geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Dhinaca kale mas’uuliiinta ku sugan Magaalada Garoowe iyo wafdi kale oo ka socda Dowladda Soomaaliya oo lagu wado inay gaaraan halkaasi ayaa waxaa ay Maalinta berito ah ka qeyb-geli doonaan Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo 12-kii Bishaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post