1206 Views

Dowladda oo War cusub kasoo saartay dagaalkii Shabeellaha Hoose

Dowladda oo War cusub kasoo saartay dagaalkii Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 03, 2021–Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xuluumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay  Guulo ka gaareen Weerar  ay Al-Shabaan ku soo qaadeen Fariisimaha Ciidanka Ee Deegaanada Awdheegle iyo Bariire.

“Waxaan boogaadinayaa naftood hurayaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan Difaaca dadkood ,Dalkooda ,Diintooda oo Maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisadda ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si dhaw ay ula shaqeeyaan Ciidanka XDS ,isagoo alle ugu baryay Ciidamadii ku dhintay Maanta in alle uu janada Fardowso ka Waraabiyo ,Waxaana uu Caafimaad u rajeeyay Naftood hurayaasha dhaawacyada ay ka soo gaartay Dagaalkii maanta ka dhacay Bariire iyo Awdheegle oo ka wada tirsan Sh.hoose.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post