807 Views

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la ansixiyay

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la ansixiyay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 24|  2020
—Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isalwasaaraha Soomaaliya kaddib markii cod loo qaaday.

188 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Xukuumadda,ma jirin cid diiday ama ka aamustay sidaas darteed guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax ah.

Golaha cusub ee wasiirada ayaa waxaa isla markiiba goobta ku dhaariyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in xubnahan golaha Wasiirada ee cusub oo ku soo xushay karti, aqoon, iyo inuu hubiyay inay u adeegi karaan shacabka sida ugu wanaagsan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post