909 Views

Russia oo ka caawinaysay Turkiga dhismaha warshaddii nugliyeer ee ugu horeysay ee Turkiga yeesho

Russia  oo ka caawinaysay Turkiga dhismaha warshaddii nugliyeer ee ugu horeysay ee Turkiga yeesho
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Turkiga iyo Russia ayaa dhagaxa dhigay dhismaha warshaddii nugliyeer ee ugu horeysay ee Turkiga yeeshay taas laga dhisayo magaalo xeebeedka Koofureed ee Marsin.

Warshaddan oo lagu magacaabo Akkuyu ayaa la filayaa in ay shaqo bilowda sanadka 2023. Marshuuca dhismaha warshaddan ayaa la soo bilaabay sanadkii 2018 ka dib heshiis labada dowladood wada saxiixdeen.

Dhismaha warshadda waxaa fulinaysa shirkadda tamarta Russia ee Rosatom iyadoo warshadda Akkuyu ay howlgelinayso shirkadaha maxaliga ah ee tamarta.

Mashruuca waxaa ku baxaysa adduun gaaraya $20bn.

Marka la dhameystiro mashruucan waxaa la filayaa in a y soo saarto 35 Bilyan oo Kilowatt saacaddii, taas la dhigan 10% tamarta sanadkii Turkiga isticmaalo 50 sano ee soo aadan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay iskaashiga Turkiga iyo Russia.

Dhankiisa madaxweynaha Russia Vladimir Putin, oo xafladda kaga qeybgalay aaladda fogaan araga ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid qiimo weyn leh.

Warshadda Akkuyu ma ahan tan keliya ee Turkiga yeelan doono sidoo kale warshaddii labaad ee tamarta Nugliyeerka ayaa laga dhisi doonaa gobolka Badda madow ku yaala ee Sinop kaas oo ay iska kaashanayaan Turkiga iyo Japan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post