1044 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Taleefoonka Kula Hadlay Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweyne Farmaajo Oo Taleefoonka Kula Hadlay Sheekh Shariif Sheekh Axmed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2019 —Wadahadal dhinaca Telefoonka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay  dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,iyada oo madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday Sheekh Shariif Shekh Axmed in uu si gaar ah ula kulmo isaga.

 

Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada waxa uu u sheegay madaxweyne Farmaajo in uusan la kulmi Karin kaligii sababtuna ay tahay in uu hogaami u yahay madal Xisbiyo hadii uu dhacaya kulankaasna ay goobjoog ka ahaadaan hogaanka madashaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in wadahadalkaas kadib uu u sheegay Sheekh Shariif in uu dib dambe ula soo xiiriiri doono maadaama uu ka cudur daartay Sheekh Shariif kulankaas uu ka dalbaday Farmaajo.

 

Dowladda Fedraalka ayaa la kulmaysa cadaadis Siyaasadeed kaas oo intiisa badan ka imaanaya Xisbiyada Mucaaradka ku ah,gaar ahaan madasha xisbiyada oo hogaamiye looga dhigay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Xigaso :-Radio Dalsan 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment