1119 Views

Jubbaland oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay baarto duqeymaha Ciidanka Kenya

Jubbaland oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay baarto duqeymaha Ciidanka Kenya
____________________________________________________________________________

Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Kenya ay dhawaan ka geysteen tuulooyin u dhow degmada Ceelwaaw iyo degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, taas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad Shacab ah.

Wasiirka Amniga Maamulka  Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan ( Dhuumal) ayaa sheegay in ay ka tacsiyadeeynayaan dadka wax ku noqday duqeyntaas oo aha Shacabka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Maamulka Jubbaland uu baaritan ku hayo duqeymaha hay geysteen  diyaaradaas, isla markaana dowladda Soomaaliya dhankeeda looga baahan yahay inay dabagal ku sameeyso.

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Maamulka  Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan ( Dhuumal) waxaa uu sheegay in Jubbaland ay diyar u yahay in dalka meelaha ay ka joogaan Ururka Al-Shabaab, balse ay muhiim tahay in la xaqdhowro dadka rayidka ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post