999 Views

Wafdi gaarey deegaano uu ka fatahay Wabiga Shabeelle

Wafdi gaarey deegaano uu ka fatahay Wabiga Shabeelle
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 18, 2019 | QOL |   –Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed  ayaa gaaray deegaanada Sabiib iyo Mareereey ee gobolka Shabeelaha hoose kuwaasi oo uu saameeyay fatahaada wabigga Shabeelle.

 

Wasiiradda deegaanadaas gaaray waxaa kamid ah Wasiirka Kaluumeysiga iyo kan Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana Wasiiraddu sheegeen in fatahaada wabigga saameyn muuqata ku yeelatay qeybo badan kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

 

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in meelaha qaarkood dadku dhibaato badan ku qabaan biyaha fatahay.

 

Wabigga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyey Shabeellaha hoose waxaana jirtay in deegaano badan oo gobolkaas kamid ah dadku isaga baxeen guryahoodii sababao laxiira biyaha oo sameyn ku yeeshay.

 

Qorshaha wafdigaas hadda gaaray Shabeellaha hoose ayaa waxaa kamid ah in qiimeyn lagu soo sameeyo xaaladda iyo qaabka wax looga qaban karo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment