1023 Views

Deni oo kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland

Deni oo  kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 22 2021

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo  Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka oo ahaa is xogwareysi, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay magacaabista guddiga doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, maadaama maanta lagu waday in guddoonka baarlamaanka Puntland uu magacaabo guddigaasi, hayeeshee dib loo dhigay.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa isna laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka u gudbiyo liiska dadka u tartamaya xubnaha Aqalka sare.

Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka dalka ayaa bilaaban doonta Axadda  soo socota oo tariikhda ay ku beegan tahay 25-ka July 2021 sida ku cad jadwalka doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post