1305 Views

Booliska Addis Ababa oo sheegay in gacanta ku dhigeen Hub si xeeladeysan loo soo galiyay Magalada Addis Ababa Sawiro

Booliska Addis Ababa oo sheegay  in gacanta ku dhigeen  Hub si xeeladeysan loo soo galiyay Magalada Addis Ababa Sawiro
____________________________________________________________________________

 28 /2/ 2021

Wararka ka imaanaya Itobiya ayaa sheegaya in Booliska ka howlgalla  Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya ay shaaciyeen in gacanta ku dhigeen  Hub si xeeladeysan loo soo galiyay Magalada Addis Ababa, kana kooban Qoriga (BKM), Biskoolado iyo 5 Kun oo Rasaas kala duwan ah.

 Hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida dalkaas.Ayaa la sheegay in Hubkaan ay qabteen, waxaana la sheegay in Hubkan uu siday Gaari nuuca loo yaqaano ah Isuzu, kana soo kicitimay Magaalada Gondar ee Deegaanka Axmaarada,waxaana  Hubka loo ekeeysiiyay agab caadi ah oo saarnaa Gaariga.

Warbixin Booliska magaalada Addis Ababa soo saaray ayaa lagu sheegay, in Hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM),  laba  Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay  xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi ku daray in Gacanta lagu soo dhigay, laba rag oo gudbinaysay Hubkan soo na galiyay Magaalada Addis Ababa si dhibato loogu geysto wallow aysan shaacin dadka sigar ah u leh hubkaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post