1824 Views

Safiirka UK u fadhida Kenya oo Mandheera ka hirgalisay mashruuc wayn

Safiirka UK u  fadhida Kenya oo Mandheera ka hirgalisay mashruuc wayn
____________________________________________________________________________

May 25 2021

Danjiraha dowladda UK u qaabilsan Kenya, Jane Marriott, ayaa maanta magaalada Mandheera ku tagtay safarkeedii ugu horreeyay oo qeyb ka ah mashruuc ay UK gacan uga geysaneyso xasiloonida iyo horumarka gobolka Waqooyi Bari.

Socdaalka Marriott ayaa muujinaya sida ay Britain uga go’an tahay in laga shaqeeyo amniga iyo horumarinta deegaannada xadka la wadaaga Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda.

Waxaa safarkan ku wehlinayay Wasiirka arrimaha dowlad daadajinta ee Kenya Eugene Wamala iyo madaxa ismaamulka Mandheera, Cali Roba.

Intii ay socotay booqashadan halka maalin ah waxay haweeneyda ah danjiraha UK u qaabilsan Kenya xarigga ka jartay mashruucii ugu horreeyay ee Mandheera laga hir galiyo oo ku aaddan qorshaha dhaqaalaha. Waa barnaamij ay iska kaashanayaan UK iyo Kenya oo fursado shaqo u sameynaya dhallinyarada u nugul in laga dhaadhiciyo fikirka xagjirnimada.

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayay Jane Marriott ku sheegtay in Mandheera ay tahay meel aad muhiim ugu ah Kenya oo loo sii maro Itoobiya iyo Soomaaliya.

Hadal ay Marriott ka jeedisay xadka Mandheera iyo Soomaaliya ayay ku tidhi: “Maanta waxaan arkay sida uu horumarka dhaqaalaha fure ugu yahay dhismaha xasiloonida Ismaamulka Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari. Waxaa Sidoo kale ii suuragashay inaan la kulmo macallimiin iyo shaqaale caafimaad oo dadaal xoog leh u sameynaya si mustaqbalka loo wanaajiyo.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post