879 Views

Jeneraal Cabdi Qeybdiid “ dagaalka Camaara looga saaray argagixisada Al-Shabaab waa uu sii socon doonaa ilaa xaradheere

Jeneraal  Cabdi  Qeybdiid “ dagaalka Camaara looga saaray argagixisada Al-Shabaab waa uu sii socon doonaa ilaa xaradheere
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19, 2021

Xili shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka saareen argagixisada Al-Shabaab magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa arintaas ka hadlay Jeneraal cabdi Qeybdiid.

Senator Jenereaal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug oo la hadlay Saxaafada  ayaa ka hadlay Dagaalkaas oo uu sheegay in ay uga saareen Mudug qeyb ka mid ah waxa uu ugu yeeray  argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo daraawiishta Galmudug ayaa shalay  gudaha u galay magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga firxadeen argagixisadii Al-Shabaab ee dhuumaaleysiga ku joogtay Camaara.

Sidoo kale Senator Cabdi Qeybdiid ayaa  sheegay in deegaanka ay ka bilaabeen wacyi gelin ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana ay fagaarayaasha Camaara kula hadleen bulshada ku nool magaaladaas, si looga dhaadhiciyo inay iska dhiciyaan cadawgaan baneystay dhiigooda iyo maalkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post