741 Views

Gaas oo ugu baaqay rooble in uusan ku mashquulin arinta ikraan tahliil iyo warqada Wiiftada ee Villa Somaliya

Gaas oo  ugu baaqay rooble in uusan ku mashquulin arinta ikraan tahliil iyo warqada Wiiftada ee Villa Somaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 15, 2021

Raysal wasaarihii hore ee soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale ka hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan qilaafka u dhaxeeya Raisal wasaaraha Soomaaliya Rooble iyo Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

Gaas ayaa ugu baaqay rooble in uusan ku mashquulin arinta ikraan tahliil, oo uu u daayo Hay’addaha cadaalada uuna  ka shaqeeyo sidii doorasho cadaalad ah uga dhici lahayd dalka.

“ Waxaan leeyahay Rooble haku mashquulin Warqadaha ka soo baxaya Villa Somaliya jawaabtooda ee ka shaqeey sidii dalka uga dhici lahayd Doorasho xalaal ah, oo aad u koontarooli lahayd sida Doorashada u socoto”ayuu yiri C/wali gaas.

Sidoo kale hadalka Cabdi wali ayaa ku soo aadaya Xili warqado loo baxshay Wiifto ay Xili danbe ka soo baxaan Villa Somaliya oo lagu kala dhantaalayo shaqada Raisal Wasaare Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post