336 Views

Askar Masaari ah oo nolasha lagu aasay

Askar Masaari ah oo nolasha lagu aasay
____________________________________________________________________________

Axad: July 17, 2022

Warbaahinta Israa’iil ayaa shaacisay beerta dalxiiska ee ku taallo deegaanka Lahran oo ka tirsan galbeedka magaalada Quddus iney ku yaalliin qabuuro 55 sana ka hor lagu aasay askar Masaari ah.

Xogtan inta ay warbaahintu shaacin ka hor waxaa beertaasi dhulka weyn ku fadhida loo yaqaannay oo keli ah iney tahay beer dalxiiska looga talo galay.

Balse waxaa soo ifbaxday dhulka ay beertaasi ku fadhido qabuuro askar Masaari ah lagu aasay inay ku yaalliin.

Wariyaha reer Israa’iil Yossi Melman ayaa xogta qaburahan shaaca ka qaaday kaddib marki uu in mudda ah uu baaritaan waday.

Yossi wuxuu BBC-da u sheegay baaritaanka qabuuraha askarta Masaarida la xiriirta sanada badan inuu waday, hase yeeshee ciidamada Israa’iil ay u diideen inuu baahiyo xogta arrintaasi inkasta oo ay markii dambe u oggolaadeen.

Xog laga helay militariga Israa’iilna waxay sheegeysaa in askarta Masaarida 55 sana ka hor halkan lagu aasay, ciidamadaasi oo isugu jira kuwa dagaalka ku dhintay iyo kuwa noolasha lagu aasay ama lagu gubay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post