816 Views

Suuqyada Ganacsiga Garoowe oo saaka Albaabada loo laabay

Suuqyada Ganacsiga Garoowe oo saaka Albaabada loo laabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 30, 2020 –Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga ee Magaaladaas.

Arrintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa sicirka bararka dollarka oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa Magaalada, waxaana meelaha xiran kamid ah, Goobaha lagu iibiyo Qudaarta iyo Hilibka.

Sarifka dollarka ayaa gaaray halkii ugu sareeyay abid Magaalada Garoowe, waxaana la sheegay in halkii Dollar Maanta lagu sarifaayo 50 Kun oo Shillin Soomaali ah, halka Ganacsatada qaar ay diideen inay wax looga iibsado lacagta Shillinka Soomaaliga.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah Ganacsatada yar yar iyo bulshada ay Maanta abaabulayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Sicirka Bararka dollarka ee Magaalada garoowe oo siweyn looga dareemay halkaas.

Dhawaan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa laga dareemay sicir barar lamid ah kan ka kajira Magaalada Garoowe, waxaana Madaxda Maamulka puntland ay sheegen inay waxka qaban doonaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post