1077 Views

Mas’uuliyiinta Soomaalida ee xayiraada lagu soo rogay oo la kordhiyey

Mas’uuliyiinta Soomaalida ee xayiraada lagu soo rogay oo la kordhiyey
____________________________________________________________________________


khamiis: March 17, 2022

War qoraal ah oo kasoo baxay Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken oo looga hadlay dib u dhaca doorashada iyo shaqsiyaad lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka ama Visa-ha ayaa sheegay in la kordhiyay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid in lasoo geba-gebeeyo doorashada golaha shacabka.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa tilmaamay in ay qaadayaan talaabo kasta oo la xiriirta sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si buu yiri loo xadido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Isagoo sii hadlayay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken waxaa uu sheegay in ay jiraan warbixino lisku haleen karo oo ay hayaan, kuwaas ku saabsan khaladaad dhanka hanaanka ah islamarkaana lagu sameeyay xubno iskugu jira Suxufiyiin ama xisbiyada mucaaradka, kuwaas oo lala beegsaday cagajugleyn, cabsi gelin iyo xarig intaba waa sida uu hadalka u dhigee.

“Waxaa jira warbixino la isku haleyn karo oo ku saabsan khaladaad dhanka hanaanka ah. Suxufiyiin ama xubno xisbiyada mucaaradka ka mid ah oo ka shaqeynaya taageeridda hay’adaha dimoqraadiga iyo hanaan daah-duran oo lala beegsaday cagajugleyn, cabsi gelin, xarig iyo rabshado,” ayuu yiri Blinken.

Sidoo kale, Blinken ayaa yiri ““Dowladda Mareykanka waxay si xooggan u taageereysaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay ka shaqeyso sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada laba dhinac,”.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post