690 Views

Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay Bandow kusoo rogayaan Xerada Afisiyooni & Agagaarkeeda

Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay Bandow kusoo rogayaan Xerada Afisiyooni & Agagaarkeeda
____________________________________________________________________________

War kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS) ayaa waxaa lagu sheegay in , iyaga oo la tashanaya guddoomiyaha  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya inay xoojinayaan amniga xerada Afisyooni , halkaas oo la filayo in 15 bisha May lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu shaaciyay in bandow lau soo rogayo xerada Ciidamada circa ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 May ilaa  tobanka bisha ah iyo illaa 17 ka Bisha.

Maalin ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida amamanka doorashada, iyadoo ATMIS lagu wareejiyay amniga guud ee teendhada Afisyooni, halkaas oo doorashadu ka dhacayso.

Shalay qoraal kasoo baxay Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada madaxweynaha waxaa la faray Ciidamada howlgalka ATMIS inay la wareegaan Amniga teendhada Afisiyooni , halkaas oo  lagu qabanayo doorashada madaxweynaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post