1200 Views

Muranka Masar, Suudaan iyo Itoobiya biyo xireenka weyn ee laga dhaliyo korontada ee laga dhisayo webiga Niil

Muranka Masar, Suudaan iyo Itoobiya biyo xireenka weyn ee laga dhaliyo korontada ee laga dhisayo webiga Niil
____________________________________________________________________________

 Khamiis: july 8, 2021

Muranka soo jiitamayay ee u dhexeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo xireenka weyn ee laga dhaliyo korontada ee laga dhisayo webiga Niil ayaa u muuqda mid aanan xal laga gaarin.

Maalinta Khamiista ah, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay ka doodaan markii ugu horeysay, iyadoo dadka qaar ay ka cabsi qabaan inuu sababi karo isku dhac toos ah.

Masar iyo Suudaan waxay labaduba ka cawdeen in Itoobiya ay qaadatay go’aan kaligeed gaar u ah ayna sannadkii labaad bilaabeen inay buuxiyaan kaydka biya xireenka.

Masar, oo ku tiirsan gebi ahaanba wabiga Niil biyahiisaa, waxay u aragtaa arintaan mid saameynaysa. Sanadkii la soo dhaafay.

Bayaan ay horraantii todobaadkan soo saareen Masar iyo Suudaan waxay ku eedeeyeen Itoobiya inay go’aankeeda keliya ku buuxinayso iyada oo aan cidna kala tashan weliba si ku talagal ah.

Miyaa la joojin karin buuxinta biyo xireenka Itoobiya?

Maya. Kaydka ka dambeeya biyo xireenka ayaa si dabiici ah u buuxin doona inta lagu gudajiro xilli roobaadka Blue Nile, kaas oo horay ubilaabmay socon doonana ilaa September.

Marka la eego marxaladda uu dhismuha biyo xireenka marayo, “farsamo ahaan, ma jiro hadda qaab lagu joojin karo buuxinta ” ilaa heerka biyuhu gaarayo xagga sare ee derbiga biyo-xireenka, Maxamed Basheer oo ka tirsan Jaamacadda Manchester oo baranayay mashruuca Gerd tobankii sano ee la soo dhaafay, ayaa sidaasi BBC-da u sheegay .

Sababtuna waxay tahay biyo ka badan ayaa galaya goobta biyo xireenka marka loo eego mugga biyaha mari kara labada marin ee furan ee gidaarka biyo xireenka (60-110 milyan oo mitir cubic maalintiiba)

laga soo bilaabo bilowgii sanadkii 2011, biyo xireenka waxaa laga dhisay hareeraha wabiga Blue Nile iyadoo uu sii socdo qulqulka biyaha.

Inta badan qeybta dhexe hada wey dhameystiran tahay sanad walbana waxbadan ayaa lagu dari doonaa ilaa laga gaaro sanadka 2024 markaas oo ay heerka biyaha gaarayaan 640 mitir. Dhul dhaca webiga ee goobta biyo xireenka waxay qiyaastii ka sarreysaa 509m heerka badda.

Waxyaabaha la isku haya ee ugu muhiimsan ee ay seddexda dal isku mari la’yihiin waxaa ka mid ah:

  • Buuxinta iyo sii deynta biyaha biyo-xireenka
  • Xilliyada abaaraha biyaha sida loo maamulayo
  • Maamulka biya xireenka iyo dabagalkiisa
  • Ammaanka dhismaha biyo-xireenka iyo sida la isugu halleyn karo iwm.

Shirki ugu dambeeyeyna wuxuu ahaa kii 27-28 Febraayo dhacay magaalada Washington oo ay dhexdhexaadinayeen Mareykanka iyo Bangiga Adduunka .

Shirkii Washington ee ugu dambeeyeyna Itoobiya kama aysan qayb gelin iyada oo sheegtay iney u harsan yihiin tashiyo ay la sameeyneyso sharci yaqaannada dalka gudahiisa iyo guddiga farsamada ee u xil saaran arrinta khilaafka biyo xireenka.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay wadahadalka biyo xidheenka ku saabsan ee horay u soo socday iney ku saleysnaayeen qaabka loo maareynayo biyihiisa si aan saameyn u geysaneyn waddamada kale ee uu webiga sii maro sida Suudaan iyo Masar.

Biyo keydintuna wuxuu Mareykanka shuruud uga dhigay heshiiska kama dambeysta ah oo ay saddexda dal oo ay arrinta webiga khuseeysa degdeg ku gaaraan.

Maxay Masar u faraxsanayn?

 

Masar waxay u aragtaa mashruuca biyo xireenka inuu caqabad ku yahay jiritaankeeda. Ku tiirsanaanta wadarta guud ee wabiga Niil ee biyaha waxay ka dhigan tahay inay aad uga walwalsan tahay waxa ka dhici dhibaatada ka dhalan karta.

Masar waxay rabtaa damaanad cayiman

Marka marxaladda buuxintu dhammaato, Itoobiya waxay ka caga jiideysaa xakameynta biyaha. Ahmiyadeeduna waxay noqon doontaa in la hubiyo inay jiraan biyo ku filan oo lagu shaqeyn karo oo noqon doonta warshada ugu weyn ee laga dhaliyo korontada Afrika.

Masar waxay ka walwalsan tahay waxa dhici kara inta lagu jiro abaar daba dheeraatay oo sannado badan socon karta.

Haddii Itoobiya ay dib u dhigto biyo xireenka waxaa markaasi hoos u dhacaya heerka Biyo-xireenka ee Aswan.

Waxaana sidoo kale su’aal ka taagan tahay dib-u-buuxinta jadwalka biyo-xireennada kale ee webiga Nile ka dib abaarta.

Dagaal dhab ah ma dhici doonaa?

Dr. Adam wuxuu sheegay in ay ka walwalsan yihiin in dagaal uu ka qarxo adeegsiga biyaha webiga Nile.

Xitaa haddii uusan jirin rabitaan ah in dagaal la galo, waxaa jiri karo xisaab-xumo, waxaad isweydiineysaa waxa qolada kale sameyn karto, haddii aanan la hayn macluumaad dhameystiran.

Waxaa la qaadi karaa tallaabo qaldan, marka sidaa darteed waxyaabahasuuragalka ah ayaa ah in tallaabooyinkaas khaldan ay xaaladda faraha ka sii bixiyaan.

Adam wuxuu intaas ku daray in labada dal [Itoobiya iyo Suudaan] aysan haatan dagaal doonayn, sababtoo ah waxaa jiro dhibaatooyin gudaha dalalkooda ka dhex taagan.

“Waxaan u maleynayaa in qaladaad la sameyn karo xitaa haddii aysan dan ka laheyn dagaal,” ayuu yiri.

Cabduraxman ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in dagaal toos ah bilaaban karin.

“Haddii aad is tiraahdo qiyaas, waxaa laga yaabaa in aan dhahdo in boqolkiiba 50 ama ka yar. Uma maleynayo in ay jirto rabitaan ah in dagaal la galo xilligan, laakiin in hal wadan cadaadis la saaro waa suuragal.”

Dagaal noocee ah ayuu noqon karaa?

Wuxuu sheegay in haddii Suudaan iyo Itoobiya uu dagaal culus ku dhexmaro xadka, in Masar waxay si toos ah u taageeri karto Suudaan.

Si kastaba ha noqotee, wuxuu intaas ku daray, “Ma aaminsani in Suudaan ay awood u leedahay dagaal, xitaa marka ay xasilloon tahay, ama sida ay hadda tahay.”

“Marka Suudaan wax faa’iido ah kamaheleyso dagaalka. Laakiin haddii dagaalka uu dhici waayo, Suudaan iyo Masar wey wada joogi doonaan. Dowlada Ereteriya waxay hadda xiriir la leedahay dowlada Itoobiya. Heshiiska labada dal wuxuu gaari doonaa heer illaa iskaashi dhanka amaanka ah.”

Shacabka Suudaan oo “dhaqaala ku taageerayo” biyo xireenka Itoobiya

Aadam, dhankiisa; Wuxuu sheegayaa in ay adag tahay in la qiyaaso waxa dhici doona “dagaalka ka dib”.

“Haddii Masaarida ay rumeysan yihiin in dagaalka uu lagama maarmaan yahay, dalkooda ayay gantaallada ka soo ridi karaan. Waxay sidoo kale Suudaan ka caawin karaan xoog iyo hub markii loo baahdo. Haddii ay aaminaan in ay lagama maarmaan tahay, waxay garaaci karaan biyo xireenka.”

Laakiin Adam wuxuu rumeysan yahay in dowladda Eritrea ay la safan karto Itoobiya.

“Maaddaama ujeeddada ugu weyn ee dawladda Ereteriya ay tahay in la burburiyo kooxda TPLF, dawladda Itoobiya ma rabto in dareenkeedu u ekaado Suudaan ama dal kale. Ereteriya waxay dooneysaa in ay nabad la gasho Suudaan sida ugu macquulsan.”

Office Nairobi Kenya

\

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post