726 Views

Eritrea iyo TPLF oo lagu eedeeyay dil iyo kufsi ay ka geysteen xeryo qaxooti

____________________________________________________________________________

khamiis: September 16, 2021

Askarta Eritrea iyo maleeshiyada Tigreega ayaa kufsi, xabsi iyo dil u geystay qaxooti Eritrean ah oo ku sugnaa gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray, sida ay saaka sheegtay hay’ad caalami ah oo ilaalisa xuquuqda ee Human Rights Watch.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa faahfaahin ka bixisay weerarro ka dhacay agagaarka laba xero oo ku yaal Tigray, halkaas oo ciidamada TPLF ay kula dagaallamayeen dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda Eritrea tan iyo bishii Nofembar ee sanadkii hore, waxaana dagaalkaas uu ahaa iskahorimaad ruxay gobolka Geeska Afrika.

Tobannaan kun oo qaxooti Eritrean ah ayaa ku nool gobolka Tigray, oo ah gobol buuraley ah oo sabool ah, ayna ku nool yihiin ilaa 5 milyan oo qof.

“Dilalkan foosha xun, kufsiga, iyo dhaca loo geysto qaxootiga Eritrea ee Tigray waa dembiyo dagaal oo cad,” ayay tiri Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea kama soo jawaabin xiriir lala sameeyay oo u aaddan eedeeynta xadgudubyadan, laakiin Eritrea ayaa horay u beenisay xasuuqa lagu eedeeyay, waxayna sheegtay in ciidamadoodu aysan beegsan dadka rayidka ah.

Afhayeen u hadlay Jabhadda Tigreega ayaa sheegay in ciidamada Tigreega ay mar dhow soo galeen meesha ay ka dhaceen dambiyadan, wuxuuna intaa ku daray in bil kahor ciidamo badan oo Eritrean ah ay ku sugnaayeen goobaha gaboodfalkan ka dhacay.

Kahor colaadda Tigray, Itoobiya waxay martigelisay ku dhawaad 150,000 oo qaxooti Eritrean ah, kuwaas oo ka soo qaxay saboolnimada iyo xukun kaligi talis ah.

Inta badan warbixintu waxay diiradda saartay laba xero ee kala ah Shimelba iyo Hitsats – oo la burburiyay intii dagaalka socday.

HRW waxay soo xigatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo sheegtay 7,643 ka mid ah 20,000 oo qaxooti ah oo markaas ku noolaa xeryaha Hitsats iyo Shimelba weli la la’yahay.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post