1044 Views

DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 24, 2019 —Qarax xooggan ayaa ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

 

Qaraxa oo aan weli si rasmi loo ogeyn nuuciisa ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare kala duwan.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inay arkayeen Guddoomiye Yariisow oo dhaawac ah oo garbaha laga sii waday, oo dhaawiciisa loo qaaday Isbitaalka Digfeer.

 

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inuu jiro dhaawacyo kale oo soo gaaray qaar ka mid aj guddoomiyeyaasha degmooyinka.

 

La soco wixii warar ee ku soo kordha wararkeena dambe

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment