1704 Views

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Amaro Duldhigay Laamaha Amaanka Baladweyne.

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Amaro Duldhigay Laamaha Amaanka Baladweyne.
____________________________________________________________________________

Axad: October 17, 202

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar iyo Masuuliyeen kale ayaa manta Booqday Xarunta Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne oo shalay oo ka dhacay qaraxa sababay dhimasho iyo dhawac  Masuuliyeen masuuliyeen ka tirsan Maamulka Degm,mada Feerfeer Soomaaliya iyo dhawaca Taliyahii Booliska Baladweyne.

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulan gaar ah la qaatay Laamaha Amaanka Baladweyne isagoona ka dhageeystay Xaaladaha Amaanka magaalada Baladweyne gaar ahaan qaraxii shalay ka dhacay Saldhiga Booliska.

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa laamanaha amaanka faray in ay kordhiyaan Howlgalka lagu sugayo Amaanka Magaalada kana hortagaan wax walba oo amni daro u keeni karo Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle ayaa Saraakiisha Ciidamada ku amray in ay baaritaan dhab ah kusoo sameeyaan qaraxii ka dhacay Saldhiga Booliska. waxaana uu ka tacsiyadeeyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post