273 Views

Aabe gabadhiisa la’aa muddo dhowr maalmood oo Markii uu Helay ku hor toogtay albaabka maxkamad loga yeeray

Aabe gabadhiisa la’aa muddo dhowr maalmood oo Markii uu Helay ku hor toogtay albaabka maxkamad loga yeeray
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 25  2023

Aabe gabadhiisa la’aa muddo dhowr maalmood ayaa waxa uu maalintii Isniin ahayd ku hor toogtay albaabka weyn ee maxkamad ku taalla magaaladda Karachi ee dalka Pakistan.

Gabadhaasi oo 19 jir ah ayaa la sheegay inay ku dhawaaqday Arrin Meher (Guur qarsoodi ah) oo si rabitaankeeda ah, iyadoo aanu Waalidkeeda waxba ka ogayn kana qarisay guurkeeda.

Aabe lagu magacaabaa Jan Mehsuud oo 65 jir ah ayaa la sheegay inuu toogasho ku dilay gabadhiisa, halka 2 qof oo kalena ku dhaawacmeen rasastii uu aabahaasi furay.

Boliska waxay tilmaameen inay arkeen aabaha oo baacsanayo gabadhiisa, isagoo rasaas huwiyey markii ay soo gaartay albaabka 4-aad ee maxkamadda, halkaasi oo ay gabadhii ku geeriyootay.

Toogashadaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay Askari lagu magacaabo Imran Zeman oo 40 jir ah iyo Nin kale oo lagu magacaabo Waliid Kaleem oo 20-jir ah.

Sarkaal u hadlay ciiddanka booliska Karachi oo lagu magacaabo Shabir Ahmed Sethar ayaa sheegay in maydka gabadha iyo labada qof ee dhaawacmay la geeyey isbitaalka lagu magacaabo Dr. Ruth Pfau Civil Hospital ee magaalladda Karachi.

Gabadha uu Aabaheeda dilay ayaa la sheegay inay iskeeda u guursatay Nin Dhakhtar ah oo lagu magacaabo Anis Rehman.Sida laga soo xigtay booliska waxaa Gabadha si rabitaankeeda khaaska ah uu ninkaasi uga mehersaday degmadda Oranji ee W/Galbeed ee magaalladda Karachi.

Aabaha ayaa la sheegay inuu 10 maalmood ka hor tegay saldhigga booliska ee Pirabad ee deegaanka Oranji, isagoo diiwaan geliyey gal-dacwadeed uu ku sheegay in gabadhiisa la afduubtay.

Baaritaano ay booliska sameeyeen waxay gabadhii soo heleen Axadii la soo dhaafay, iyadoo ku sheegtay baaritaan hordhac ah in la guursaday.

Si kastaba ha ahaatee, ninka mehèrsaday gabadhaasi oo lagu magacaabo Anis Rehman waa la soo qabtay, kadib, markii ay Maxkamadi amartay in lagu sii hayo Xabsiga Garsoorka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post