777 Views

Itoobiya oo Mareykanka kula talisay ‘inuusan faragalin’ arrimaheeda gudaha!

Itoobiya oo Mareykanka kula talisay ‘inuusan faragalin’ arrimaheeda gudaha!
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3da Maarso, 2021:-Dowladda Faderaalka ah ee Itoobiya ayaa kula talisay Mareykanka inuu joojiyo faragelinta arrimaha gudaha ee dalkeeda ka dib hadal ka soo yeeray wasaaradda Arimaha dibada maamulka Joe Bedden.

Baaqa Adis-ababa wuxuu imaanayaa maalin un kadib markii dowlada Mareykanku ay ku boorisay ciidamada Eriteriya iyo Itoobiya ee Amxaarada in ay si deg deg ah uga baxaan deegaanka ay colaaduhu aafeeyeen ee Tigray.

“Bixitaanka degdega ah ee ciidamada Eritereya iyo ciidamada amxaarada ee Tigreegu waa talaabooyinka ugu horeeya ee lagama maarmaanka ah” Antony J. Blinken, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray Sabtidii lasoo dhaafay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo jawaabtay hadalka Maraykanka ayaa  kula talisay Mareykanku uusan faragelin ku sameyn arrimaha gudaha ee Itoobiya iyadoo carrabka ku adkeysay in ay tahay dowlad madax bannaan, mas’uuliyadda ay leedahay dowladda Itoobiya ay tahay in ay sharciga kala dambaynta ku soo celiso gobolka Waqooyi ee dalkaasi.

“Dowladda federaalka ah ee Itoobiya waxa ay ilaalin doontaa nidaamka dastuuriga ah iyadoo hubineysa nabadda iyo amniga iyadoo la waafajinayo waajibaadkeeda dastuuriga ah”  ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya.

“Si kastaba ha noqotee, isku dayga Mareykanka ee ah inuu ka hadlo arrimaha gudaha ee Ethiopia iyo gaar ahaan tixraaca ciidamada Amxaarada ee dib udajinta gobolka waa mid laga xumaado” ayay tiri dowlada Ethiopia

“Itoobiya waxa ay leedahay ballanqaad aan kala go ‘lahayn oo ah in ay sharfto waa mas’uuliyado caalami ah inkasta oo ay khalkhal gelineyso dabeecadaha caqabadaha ka dhashay khiyaanada qaran ee koox dambiilayaasha ah” ayay tiri Xukumadda Itoobiya.

Bayaanka usbuucii la soo dhaafay, waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu “aad uga walaacsan yahay” xadgudubyada laga soo sheegay iyo guud ahaan xaaladda sii dambeeyay ee waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ee xadka la leh Eritrea.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa dilalka, barakicinta, faraxumeynta dumarka, iyo xadgudubyada kale ee aadka u daran ee xuquuqda aadanaha ay geystaan dhinacyo badan oo laga soo sheegeen  gobolka Tigray” ayuu yiri Antony J. Blinken, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka.

Blinkon ayaa ku baaqday in la soo afjaro qalalaasaha ka taagan gobolka Tigreega, isagoo intaa ku dartay in baaritaan dhameystiran lagu sameeyo noocyada kala duwan ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay in uu marar badan kala hadlay maamulka itoobiya ogolaanshaha in koox madax banaan oo baare caalami ah loo ogolaado gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay in ay ka go’an tahay in ay cadaaladda horkeento dambiilayaasha iyadoo fulinaysa baaritaannada lagama maarmaanka ah.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya “ay sameyn doonto baaritaan dhab ah” isla markaana caddaaladda la horkeeni doono kuwa ka masuulka ah xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Arrintaan ayay dowladdu sheegtay in ay taageero ka heshay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayna diyaar u tahay in ay baaritaan wadajir ah ku sameyso hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ku habboon.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in bixitaanka Ciidamada Gaarka ah ee Ereteriya iyo Amxaarada ay lasocoto baaqyo hal dhinac ah oo ah joojinta dagaalka dhamaan dhinacyada isku haya iyo balanqaadka ah in la ogolaado in gargaar aan lahorjoogsan lageeyo shacabka kusugan Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda; waxay sheegtay in ay lashaqeyneyso bahwadaagta caalamiga ah sidii loo gaarsiin lahaa kuwa u baahan gargaarka deg degga ah ilaa iyo hadana la gaarsiiyey 3 milyan oo qof isagoo intaa ku daray in dowladdu ay bixinayso taageero dhan 70 boqolkiiba kaligeed inta soo hartay ee 30 boqolkiiba ay bixinayaan la-hawlgalayaasha horumarinta caalamiga ah iyo NGO-yada.

Dagaalada udhaxeeya dowlada Itoobiya iyo xoogaga daacada u ah Jabhada Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa qarxay horaantii bishii Nofeembar ee sanadkii hore tan iyo markii la soo sheegayo in dagaallo goos goos ah ay ka socdaan.

Colaada afarta bilood jirsatay ayaa galaafatay nolosha kumanaan dad ah halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post