1017 Views

Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo Shir uga qeyb-galaya Jabuuti

Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo Shir uga qeyb-galaya Jabuuti
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 27-2020—Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxaa ay agareen dalka jabuuti,halkaas oo la filayo inay Shir uga qyeb galaan.

Wafdiga oo uu qeyb ka yahay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay dalkaasi uga qeyb-galayaan Shirweynaha Waxbarashada Afrika,kaas oo ka furmaya dalkaas.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb-geli doonaa Madax badan oo ka socota wadamada Afrika,waxaana wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga la socda ay bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan Madax ka tirsan dowladda Jabuuti.

Shirweynaha Waxbarashada Afrika ee ka furmaya Jabuuti ayaa inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Heerka Waxbarasho ee dalalka afrika sidii lagu horumarin lahaa,iyada oo madaxda wadamada Afrika ay isla gorfeyn doonaan.

Sidoo kale Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya oo kala ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) & Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda Shirkaasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment