912 Views

Dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeryootay Gariiga oo maanta la aasayo.

Dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeryootay Gariiga oo maanta la aasayo.
____________________________________________________________________________


Isniin: March 7, 2022

28-bishii febraayo aan soo dhaafnay waxaa nolol iyo geeri lagu laa dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 9 ruux, balse dadaal dheer kadib, afartii bishaan aan ku jirno ayaa la sheegay in medadkooda laga helay Jasiirada Lesbos ee dalka Gariiga.

Dhalinyaradaan geeryootay ayaa la tilmaamay in ay ka safreen dalka Turkiga iyagoo siTahriib rabay in ay ku galaan dalka Gereece, waxaana ay toradooda tahay 9 dhalinyaro ah.

maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in lagu aaso Halka ay ku geeryoodeen oo ah Jasiirafa Lesbos, sida uu uu xaqiijiyay Ciise shiine shaaxi oo ka mid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga oo ka warbixiyay dhalinyarada geeryootay, Isagoo Wareysi siinayay laanta Af-soomaaliga ee V.O.A-da.

Turkiga waxaa uu marin u yahay dadka U tahriibaya dalka Gereece, balse waxaa ay inta badan la kulmaan geeri oo qaboow iyo baahi daran ayaa ku qabsata marka ay ku socdaalayaan xeebaha U dhaxeeya dalka Turkiga iyo Gariiga.

Sidoo kale, waxaa jiro dad badan oo ay Soomaali ku jirto oo lagu waayay Nolol iyo Geeri, balse la rumeysan yahay in ay halkaa ku geeryoodeen, iyadoo ay xusid mudan tahay in mararka qaar ay ciidamada dalka Gereeca ee ku sugan xadka ay dowladdaasi la wadaagto Turkiga

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post