483 Views

Ethiopia oo ku dhawaaqday howl Gal milateri oo cusub kadib Dagaalo Dib uga Qarxay Dalkaas

Ethiopia oo ku dhawaaqday howl Gal milateri oo cusub kadib Dagaalo Dib uga Qarxay Dalkaas
____________________________________________________________________________


Khamiis: June 23, 2022

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday howl-gal cusub oo dhanka ammaanka ah kadib dhacdo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Galbeedka Itoobiya.

Bilowgii toddobaadkan ayaa aheyd markii dadka deegaanka Wellega ee magaalada Gimbi ee galbeedka Oromia ay la kulmeen weerar aan loo meel dayin, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

In ka badan 300 oo meyd ah ayaa ilaa hadda la soo saaray, waxaana weerarkan lala beegsaday dad Rayid ah.

Dowladda federaalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Oromada ayaa bayaankooda ku eedeeyay ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) inay fuliyeen weerarka.

Kooxda hubeysan ee lagu eedeyay weerarkaan ayaa sanado badan ka howl-galaysay gobolka Oromia, hase yeeshe bayaan ay soo saartay OLA waxay ku beenisay weerarka ayada oo dusha u saartay Gachana Sirna, oo ah maleeshiyo ay dawladdu taageerto.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqay in tallaabo laga qaaday dadkii ku lugta lahaa dhacdadii Wellega, waxayna u muuqataa in dowladda Itoobiya ay go’aansatay in ay qaado howl-gal cusub oo milatari oo ka dhan ah OLA.

Arrintaan ayaa imaneysa ayada oo bishii April ee sanadkaan ay ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa dowlad goboleedyada ay qaadeen howl-gal milateri oo ka dhan ah OLA.

Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn khasaaraha, haddana waxay dowladdu ka sheeganaysa guulo, ayada oo OLA ay sii wado dagaalada ay kula jirto ciidamada dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post