684 Views

Golaha Wakiilada Puntland oo ka fadhiya Xuduudaha Maamulkaas iyo la xisaabtanka Xukuumadda

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 28-2020–Waxaa Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka ka furmay Shirka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedkaas oo ay uga hadlayaan labo qodob oo xasaasi ah, halka ay dib u dhigeen qodob kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa xaadiriyay Xildhibaannada si loo hubiyo in tirada fadhiso uu ku furmi karo kooramkooda maanta, tirin iyo soo gudbin kadib waxaa bilawday kulanka.

Fadhiga 27-aad, kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada waxaa la horgeeyay saddex qodob oo kala ah:

1-Xuduudaha Dowlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin Somaliland, marar badan waxaa dhexmaray dagaal salka ku haya kala sheegashada deegaanno.

2-la xisaabtanka Xukuumadda oo waxaa su’aalo laga weydiinayaa waxyaabaha u hirgeliyay muddada ay shaqeyneyso, iyada oo Wasiir waliba loo wacayo si wax looga weydiiyo su’aalaha ay qabaan Xildhibaannada.

3-Qodobkaan saddexaad waxaa dib loo dhigay ka doodistiisa berri oo Arbaco ah, maadaama uu yahay mid xasaasi ah, waxaana Xildhibaannada iyo guddoonkoodaba isla garteen dib u dhigistiisa.

Waxa uu ku saabsan yahay heshiiska Dowlad Goboleedka Puntland iyo Shirkadda Dekedaha qaabilsan ee Imaaraatka laga leeyahay loona soo gaabiyo (P&O Ports) oo hoostagta DP-World oo horay u gashay heshiis lagu hormarinayo ilaha dhaqaalaha, isla markaana ay ku maamulayaan muddo la siiyay.

Xildhibaannada qaar ayaa saluugsan howlaha shaqo ee Shirkaddaan, waxa ay dalbadeen mas’uuliyiinta Dekedda iyo wasaaradda shaqada ku leh si ay wax uga weydiiyaan waxyaabaha ay diiwaangeliyeen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post