231 Views

Xafiiska Kaydka Qaranka oo baadigoobaya xogta isgaadhsiinta ee shaqaalihii Aqalka Cad ee xilligii Trump

Xafiiska Kaydka Qaranka oo baadigoobaya xogta isgaadhsiinta ee shaqaalihii Aqalka Cad ee xilligii Trump
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 3, 2022

Xafiiska kaydka iyo diiwaanka qaranka ee Maraykanka ayaa u sheegay guddi ka tirsan golaha wakiillada ee Maraykanka, inay weli maqan yihiin qaybo badan oo ka mida xogtii isgaadhsiinta ee qaar ka mida shaqaalihii ka hawlgalayey Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, xilligii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump, xogtaas isgaadhsiinta ayay ahayd in lagu soo wareejiyo xafiiskooda muddo laba sano ka hor ah.

Xafiiska diiwaanka qaranka ayaa maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay wuxuu warqad u diray Guddida Kormeerka iyo Dib-u-habaynta ee Aqalka Wakiillada, isagoo u sheegay, in inkastoo dedaal badan ay sameeyeen shaqaalaha xafiiskiisu, in haddana aan illaa haatan lagu guulaysan in xafiiskooda lagu soo wareejiyo diiwaankii isgaadhsiinta ee qaar ka mida shaqaalaha Aqalka Cad oo ay ku jiraan masuuliyiin xilal sare ka hayey xafiiska madaxweynaha.

Debra Steidel Wall oo haatan ah ku-simaha madaxa xafiiska kaydka iyo diiwaanka qaranka ayaa warqadda ay u dirtay Carolyn Maloney oo ah guddoomiyaha guddida kormeerka ee aqalka wakiillada, waxay ku sheegtay in xafiiskoodu uu haatan la tashanayo Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, sidii tallaabo loo qaadi lahaa isla markaana gacanta dawladda loogu soo celin lahaa diiwaanada sida sharci-darradaha loo qaatay.

Arrimaha lagu sheegay waraaqda ka soo baxday xafiiska kaydka iyo diiwaanka qaranka, waxaa ka mid ahayd, in lagu xusay in qaar ka mida shaqaalaha iyo masuuliyiinta aqalka cad ee xilligii Madaxweyne Trump inay isticmaali jireen cinwaano email ah ama isgaadhsiin kale oo aan ahayn tan rasmiga ah ee u diiwaangashan xafiisyada dawladda, sida, inay isticmaalaan cinwaanada e-mailadooda gaarka ah oo kale, halkii ay ka isticmaali lahaayeen cinwaanka dawladdu leedahay.

Xeerka diiwaanka madaxtooyada ayaa sheegaya in xogta iyo macluumaadka, ku saabsan shaqada xafiisyada madaxtooyada, inay tahay diiwaan ay leedahay dawladdu, isla markaana waxaa laga rabaa masuul kasta marka uu shaqada ka tago inuu xogtaas ku wareejiyo xafiiska kaydka iyo diiwaanka qaranka.

Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa horey dabagal ugu samaysay xogta dawladda ee uu gacanta ku hayey, Peter Navarro oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ka shaqayn jirtay xafiiska madaxweyne Trump, kaas oo dacwad oogayaashu ay ku eedeeyeen inuu ugu yaraan isticmaalay mid ka mida cinwaanadiisa “email” gaarka ah ee uu ku leeyahay barta isgaadhsiinta ee – ProtonMail – si uu u diro una helo email-ada, xilligii uu ahaa la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha ganacsiga.

Warbixin: ‘FBI-da oo ka heshay guriga Trump, waraaqo sir ah oo ka hadlaya hubka Nukliyeerka ee dal shisheeye’

Warqaddan loo diray guddida kormeerka ee aqalka wakiillada, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo laba bilood ka hor ay hay’adda FBI-da ee Maraykanku ay u daadatay guriga madaxweynihii hore ee Trump uu ku leeyahay gobolka Florida, halkaas oo ay ka soo qaadeen in ka badan 10,000 oo waraaqo ah oo ay ku jiraan 100 document oo sir ah.

Associated Press

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post