1311 Views

Diiwaangelinta Musharixiinta kuraasta ka harsan Aqalka Sare oo Maanta billaabaneysa

Diiwaangelinta Musharixiinta kuraasta ka harsan Aqalka Sare oo Maanta billaabaneysa
____________________________________________________________________________

Khamiis: November 11, 2021

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay ka billaabato diiwaangelinta musharixiinta labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Galmudug.

Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta ilaa beri wadi doona diiwaangelinta, xaqiijinta iyo Shahaado siinta Musharrixiinta labada kursi, halka Sabtiga soo socda la qabanayo doorashada.

labada kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Galmudug oo ah labadii kursi ee ugu dambeeyay Aqalka Sare ayaa waxaa u sharaxan Afar musharrax oo ku tartami doona, kuwaas oo kala ah.

1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kursigan horay ugu fadhiyay oo uu la tartami doono
Cawil Nuur Cali

2. Cabdi Cismaan xareed
Mahad Aadan Guuleed.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan wafdi ka kooban Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo guddiga xalinta khilaafaadka si ay goobkoog uga noqdaan doorashada labada kursi ee Aqalka Sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post