756 Views

Garyaqaan reer Texas ah oo aaladda Filter lagu qurxiyo sawirrada iyo muuqaallada ay u ekeysiiyay bisad

Garyaqaan reer Texas ah oo aaladda Filter lagu qurxiyo sawirrada iyo muuqaallada ay u ekeysiiyay bisad
____________________________________________________________________________

Khamiis 11 /2/ 2021

Garyaqaan reer Texas ah oo aaladda Filter ee lagu qurxiyo sawirrada iyo muuqaallada ay u ekeysiiyay bisad xilli uu shir uga qeyb qaadanayay aaladda Zoom ayaa sheegay inuu la yaabay sida dunida ay uga falcelisay muuqaalkaasi.

Muuqaal laga duubay Rod Ponton oo u eg bisad ayaa qabsaday baraha intarneedka caalamka, waxaana muuqaalkaasi daawatay malaayiin qof.

Rod ayaa garmaqal maxkamadeed uga qeyb galay qaab maqal iyo muuqaal ah balse aaladda Filter ayaa muuqaalkiisa u ekeysiiyay bisad.

“Ma aanan ogeyn in Zoom-ku uu iga dhigi karo bisad. Ma aanan ogeyn in Bisadda Zoom ay iga dhigi karto qof caan ka ah intarneedka, balse waxaasi oo dhan waxay ku dhaceen saacado gudahood,” ayuu yiri Rod oo BBC-da la hadlay.

axa uu sheegay inuu isku dayayo bal in uu la jaan qaado wixii dhacay.

Ponton wuxuu sheegay inuu isticmaalayay kombiyuutarka xoghayihiisa markii shaandhada ay ka soo muuqatay aaladda Filter, taa oo markiiba wajigiisa u ekeysiisay bisad cad oo leh indho waaweyn oo laga cabsado.

Intii uu caawinaad ka helayay xoghayihiisa oo isku dayayay inuu arrinta xalliyo, ayaa waxaa la maqlayay isagoo leh: “waa ikan oo bisad ma ahi.”

“Markii aan soo galay Zoom-ka wax waliba waxay hagaagsanaayeen – sawirkeyga ayaa soo muuqday, waxaan ku sii jiray qabka oo uu igula jiray garsooraha maxkamadda. Haseyeeshee markii garsooruhu u furay dacwadda, ayaan waayay sawirkeygii, wuxuuna isu badalay bisad, arrintaa oo aan aad ula yaabay,” ayuu yiri Rod.

Garsooraha maxkamada, Roy Ferguson, ayaa muuqaalka Rod uu bisad u eg dadka kula wadaagay baraha bulshada. Wuxuu ku taliyay in dadku ay tahay inay hubiyaan in aaladdaasi Filter-ka ay iska damiyaan ka hor inta aysan ku biirin dhageysiga dacwadda.

Ponton wuxuu sheegay in garsooraha uu dhacdadaasi uu ka dhigay kaftan, si loogu shactireysto. “Waxaan u maleynayaa in qofkasta oo horey ugu dhibbooday isticmaalka kombuyuutarrada ama xitaa alladda Zoom uu garowsanayo in waxyaabahan oo kale ay marar badan dhici karaan,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in markii hore uu ka walaacay dad badan oo la soo xiriiray kaddib markii muuqaalkiisa la dhigay baraha xiriirka bulshada.

Marka waxaan markii dambe kum khasbanaaday in aan ku biro dadka ku muuqaalkeyga ku maadeysanayo, oo waxay noqotay in aan anigu isku qoslo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post