351 Views

Mareykanka oo sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya

Mareykanka oo sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay dhammaadka sanadkan ka dhacdo macluul.

La Taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa dhaliilay waddamada iyo hay’adaha ka gacma laabtay garab istaagga Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka Bani’aadannimo ee la dhibtoonayaan malaayiin ruux.

“Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee dalka iyo gobolkaba” ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay “Macluusha imaan karta waa natiijada arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda gobolka oo ay ka jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70 sano ah”

Jake waxa uu kufaanay in Dowladdiisa ay bixisay adduun lacageed dhan $706 Milyan (Todobo boqol & lex Milyan oo Doollar) si loogu gacan qabto qoysaska Xoolo dhaqatada & Beeraleyda ah ee barakacayaasha ku biiray.

Dhibaatooyinka sababta sii kordhisay ayuu Jake Sullivan ku tilmaamay in aanay weli Soomaaliya kasoo kaban xaaladaha ka dhashay saameynta Covid-19 oo dunida aafo ku noqday isla markaana sabab u noqday in wax weliba dhanka kale isu baddelaan.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post